Wararka
Ciidamada Xoogga oo iska difaacay weerar ay Al shababab ku soo qaadeen.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa iska caabiyay weerar ay kusoo qaadeen Al-shabaan Saldhigyada Ciidamada ay ku leeyihiin duleedka Dagmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.
Sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka xogga oo waraysi siiyay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku soo qabteen xubno kamid ah Alshabaab oo weerarka soo qaaday qaarna ay dileen.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegtay in heleen macluumaad ku saab san weeraro ay ku soo qaadeen Alshabaab difaacyada Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed ee deegaanada Sabiid Iyo Caanoole.
“Ciidamada Oo Macluumaad Horudhac ah ka heystay Qorshaha Weerar ee Al-Shabaab ayaa iska difaacay, Qaarkood nolosha ayaa lagu qabtay, kuwana waa la dilay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dolwada.