Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo kasameeyay degaannada Koban iyo Bangeen.

Sido lagu qoray wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sameeyay howlgal Miino baaris ah oo ay ka sameeyeen inta u dhaxayso degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegtay in ay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay.

Sidoo kale Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl-gallo ka sameeyay degaanka Baar Sanguuni iyo deeganada u dhaw, waxaana la sheegay in ay halkaas ku dileen xubno kamid ahaa Al-Shabaab.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close