Wararka
Ciidamada Xogga dalka oo howlgallo qorshaysan ka fuliyay gobolka Shabellaha Hoose.

Sida lagu qoray bogga idaacadda ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal gaar ah ka fuliyay deeganka daaru salaam oo hoos yimaada degmada Awdheegle ee g/shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ka dhacay goob ay isku uruursanayen dagaalyahano ka tirsan al-shabaab,waxaana lagu dilay howlgalka 2-sarkaal oo ka tirsan sida ay ku warantay idaacadda ciidamada qalabka sida.
Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumaandooska xoogga dalka ayaa fuliyay howlagalkan,iyagoo sidoo kale burburiyay goobtii ay isku uruursanayeen al-shabaab.
Taliyaha Guutada 16-aad ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay idaacadda ciidamada ayaa xaqiijiyay in uu jiro howlgalka,laguna dilay 10-dagaalame oo ka tirsan al-shabaab,tiro intaas ka badana lagu dhaawacay ayna gacanta ku dhigeen hub iyo saanad kale.
Gaashaanle Ismaaciil wuxuu sidoo kale sheegay in howlgalka ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka kuwaas oo duqeyn dhinaca cirka ah la beegsaday xubnihii ka tirsana al-shabaab ee ku sugnaan deegaanka Daaru salaam kaas oo hoos yimaadda degmada awdheegle ee g/shabeellaha Hoose.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay al-shabaab kaas oo ku aadan howlagalkan ay ciidamadu sheegeen in ay ka fuliyeen deegaanka daaru salaam ee gobolka shabeellaha hoose.
Deegaanka daarusalaam waa mid ka mida deegaanada ay ku xooggan yihiin Al-shabaab isla markaana laga soo abaabulo weerarada ay ku qaadaan fariisamaha ay ciidamada dowlada ku leeyihiin gobolka shabeellaha hoose.