Wararka

Ciidamada Milateriga ee dalka sudan oo oo la wareegay xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda.

Ciidamada Milateriga ee dalka sudan ayaa si tartiib tartiib ah ula wereegaya wareegayaan talada dalka, kaddib markii saaka aroortii la arkayay kumanaan askari oo waddooyinka ku sugan, lana wareegay xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda.

Milateriga ayaa la filayaa inay goor dhow war muhiim ah ka soo saaraan xaalada cusub ee soo korortay, sida ay warbaahinta dowladda ay sheegtaya.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya xaalada Madaxweyne Al-Bashiir, qaar ka mid ah warbaahinta Carabta ayaa sheegaya inuu xilka ka degi doono, halka warar kalena sheegayaan in xabsi guri la geliyay.

Weli ma cadda xaalada dhabta ah, waxaana xaalada dalka mid aan kala caddeyn, inkastoo ay muuqato in Milateriga la wareegay talada dalka.

Maalmihii la soo dhaafay dadweynaha ayaa ku hor banaan baxayay Xarunta Ciidamada Milateriga ee Khartoum, taasoo la sheegayay mid ay Milateriga garab kaga raadinayaan inuu xaalada soo farageliyo is bedelka dalkana horseed u noqdo, si loo soo afjaro xukunka dheeraaday ee Madaxweyne Al-Bashiir.

Kumanaan dadweyne ayaa isugu soo baxay waddooyinka, qaarkood waxay gaadiidka ka lulayeen calanka Sudan, waxaana la dareemayaa wax u muuqda is bedel ay raalli ka yihiin dadweynaha.

Tan iyo bishii December waxaa dalka Sudan ka dhacayay dibad baxyo looga soo horjeeday Madaxweynaha mudada 30-ka sano xukumayay ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir.Thousands of demonstrators rally against Sudan’s president, Omar al-Bashir, in the capital, Khartoum.A Sudanese woman holds a national flag during a demonstration in front of the military headquarters in KhartoumSudanese soldiers flash the victory sign as they stand among protesters at a demonstration near the military headquarters in KhartoumSudanese protesters run for cover after police fired teargas canisters at a demonstration in Khartoum.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close