Wararka
Ciidamada kenya oo iska dheereeyay eedeemo loo soo jeediyay.

Ciidamada Difaaca dalka Kenya ee loo yaqaano KDFayaa iska difaacay eedeeymo cusub oo ay u soo jeediyeen saraakiil sar sare oo kamid ah ciidamada Militiriga ee kusugan dalka Kenya kadib waraysi ay saraakiishaasi la yeelatay jariidada New York Times.
Saraakiishaan Maraykanka ah ayaa sheegtay in Ciidamada KDF-ta ay isku qariyeen cawska kadib weerarkii ay kooxda Al-shabaab ku qaaday saldhiga milatari Maraykanka ee Manda Bay.
“Waxqabadka ciidamada amniga Kenya intii uu socday dagaalka iyo ka dib dagaalka ayaa jahwareer ku yimid” ayay dhaheen saraakiisha la hadashay jariidada New York Times.
Balse Afhayeenka Militariga Kenya Korneel Paul Njuguna ayaa u sheegay wargayska The Nation in warka kasoo yeeray jariidada New York Times uu yahay mid been abuur ah ayna tahay mid layaab leh waxaa uuna intaasi ku daray in ay wali socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan weerarkii saldhiga milatari ee Manda Bay.
“Waa wax lala yaabo halka ay ka soo baxday warbixinta sheegayso in ciidamadayna difaaca ay isku qariyeen cawyska iyo sawabta uu xiligaan ugu soo aaday warkaan xili aan sugayno jawaabta kasoo bixi doonta baaritaanada socda. Waxaan kaliya haysan karnaa xisaab sax ah oo run ah oo ku saabsan wixii dhacay marka warbixinta la soo gabagabeeyo, ” Afhayeenka Militariga Korneel Paul Njuguna.