Wararka
Ciidamada Itoobiya oo la wareeay maamulka Caasimada Tigray.

Ciidamada federaalka dalka Ethiopia ayaa dagaal kula wareegay magaalada Mekelle ee xarunta u ah ismaamulka Tegreega.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu sheegay In Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Federaalku taas oo calaamad u ah soo afjaridda wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta sida lagu sheegay qoraalka.
Ciidanka ayaa la wareegay goobaha mihiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowladda.
Ra’isal wasaare Abi Axmed waxaa kale oo uu Beesha caalamka iyo Daneeyayaasha Dariska la ah Itoobiya uu u sheegay in hadda la jooga wakhtigii loo bahnaa taageradooda si ayuu yiri ay dib ugu soo celiyaan dadkii barakacay, ay dayac tiraan wixii bur buray iyo kaalmo bani’aadannimo oo lagama marman ah.
TPLF wali arrintaan kama hadlin balse waxay saakay qireen in ciidanka dowladda ay bilaabeen weerar ka dhan ah magaalada Mekelle.