Wararka
Ciidamada dowlada oo la wareegay deegaano Cusub.

Ciidanka xogga dalka Gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa maanta la wareegay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha hoose iyo deegaano kale oo hoos taga sida laga soo xigtay Talifashinka dowlada.
Sidoo kale qoraal lagu daabacay Bogga Talifashinka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab ay qabteen horjoogihii ugu sareeyay maxkamadda Al-shabaab ee deegaankaas.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay wali wadaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan amniga deegaankaasi Tooratoorow iyadoo sawiro laga soo qaaday howlgalkaasi uu muu jinaaya ciidamada oo baaraayo xaafadaha Tooratoorow.