Wararka
Ciidamada Booliska galmudug oo soo bandhigay Qamri Tiro badan oo lagu sameeyn jiray magalada Gudaheeda.

Goob fagara Ayaa Lagu soo bandhigay Qamri Xalay Ciidamada Boolisku Kusoqabten Howl gal ay kasameyeen Gudaha magalada Dhuusamareeb.
Goobta lagu sobandhigay Qamrigan waxa kusugna Taliyaha Booliska Caasimada, Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug iyo saraakiil kale.
Howlgalkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu sameyey xaafado si gaar ah loogu sameyn jiray khamriga oo ay ka war heleen ciidamada Booliska magaalada Dhuus-mareeb.
Taliyaha Booliska caasimada Galmudug oo goobta warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in xog ay ka heleen shacabka ay uga suura gashay soo qabashada khamrigaan tirada Badan iyo dadkii ku ganacsan jiray.