Wararka

Ciidamada Booliska dalka News Zealand ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay gurigii uu dalkaas ka deganaa cunsuuligii jimcihii weeraray masaajidyo ku yaalla magaalada Chrischurch.

Ciidamada Booliska dalka News Zealand ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen guriga uu dalkaasi ka deganaa Ninkii Jimcihii dadka ku laayay masaajidyo ku yaalla magaalada Chrischurch ee dalka News Zealand.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku baadi goobayaan cadeymo kale oo ku aadan waxa uu ahaa Shaqsiga dadka laayay oo gacanta lagu haayo,hayeeshee weli aysan soo bandhigin waxyaabaha ay kusoo qabteen.

Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay howlgalka ku jireen waxaa ay hoyga kasoo wadeen  hooyada dhashay dilaaga iyo gabar la dhalatay,kuwaas oo ka cabsi qabay in weerar aargoosi ah lagu soo qaado.

Muslimiin farabadan oo Caalamka daafihiisa kala duwan ku nool ayaa aad uga xumaaday weerarka Ninka cunsuriga ah uu Jimcihii ku laayay dadka muslimiinta ah,waxana sidoo kale cambaareeyey qaar ka mid ah eheladiisa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close