Wararka

Ciidamada Amaanka Jubbaland oo howlgal ku dilay Xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Ciidamada Amaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay deeganada dhaca Galbeedka Kismaayo gaar ahaan Beerxaani aaga Labi-kuus waxaa ayna sheegeen in ay halkaasi ku dileen xubin sare oo ka tirsana Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda amniga dowlad goboleedka  Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa warbaahinta u xaqiijiyay Holgalkaasi waxaa uuna sheegay In ciidamada ay holgalkaasi ku dileen xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab kaas oo magaciisa lagu soo koobay Mukhtaar.

Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibrahim ayaa intaasi ku daray in ciidamada Ammaanka Jubbaland ay soo qaybteen Qori Ak-47 iyo saanad kale oo ciidan.No photo description available.No photo description available.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close