Wararka
Ciidamada amaanka ee Bangladesh oo dilay laba rux oo oo looga shaki qabo in ay ka tirsanyihiin kooxda islamiyiinta ee Jama’atul Mujahideen.
Ciidamada amaanka ee Bangladesh ayaa manta oo siniin ah Toogasho Ku dilay laba rux oo looga shaki qabay in ay ka tirsanaayeen kooxda islamiyiinta ee Jama’atul Mujahidiin kuwaas oo dad badan ku laayay magaalda Dhaka sanadkii 2016-kii sida ay sheegeen ciidanka Booliiska.
Ciidamada ayaa isku gedaamay guri raga la toogtay ay ku sugnaayeen kadib cidamada Booliiska oo helay xog ku saabsan ragaasi.
Mufti Mahmud Khan oo ah Taliyaha ciidanka Booliska dalka Bangladesh ayaa yiri “goortii ay ciidamadeena garaceen albaabka, dadkii daganaa guriga ayaa ciidanka rasaas ku furay intii ay furi lahayeen albaabka”
Taliye Khan ayaa sheegay in ay seddex ruux oo uu ku jiro milkiilihii guriga in loo soo xirxiray su’aalana lawaydiinaayo.
Ra’isal wasaaraha Bangladesh Sheikh Hasina ayaa sheegay in aysan wax dulqaad ah u lahaan doonin kooxda Jama’atul Mujahideen ka dib weerarkii 2016 ay ku qaadeen maqayadaay ku sugnaayeen dad badan oo ajnabi ah oo 22 ruux ay ku nafwaayeeen.