Wararka
Ciidamada Amaanka Dhuusamareeb oo gacanta kusoo dhigay waxyaabaha Qarxo.

Ciidamada Amaanka Dhuusamareeb ayaa ku guulaystay inay Gacanta ku soo dhigaan Waxyaabaha Qarxa kuwaa oo cadawgu doonayay inay ku dhibaateeyaan shacabka.
Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Gaashaanle C/lahi Xassan Macallin ayaa sheegay inay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyey waxyaabahan qarxa.
Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto doorashada Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.