Wararka
Ciidamada Amaanka Dawlad Gobaleedka Jubbaland oo howlgallo ka fuliyay qaar kamid ah xaafaddaha Kismayo.

Qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa lagu sameeyay howlgallo balaaran kuwaas oo lagu soo qab qabtay dad aad u tiro badan kuwaas oo qaar kamid ah la siidaayay kadib markii wax danbi ah lagu waayay balse qaar kale ayuu wali baaritaanku ku socdaa sida uu xaqiijiyay Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen.
Ciidamada Amaanka Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa howlgalkaan xaafadaha ay kasameeyeen waxaa kamid ahaa Xaafadda Calanlay oo ah xaafada ugu shacabka badan xaafadaha Magaalada kismayo isagoo u jeedkiisu ahaa sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada Kismaayo.
Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen oo ka warbixiyay howlgalka ayaa yari “Ciidamada Ammaanka Jubbaland waxay sameeyeen howlgallo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada , waxaana lagu soo qabqabtay dad badan,baaritaan ayaan sameynay waan sii daynay dadkii lagu waayay falal danbiyeedka waxaan wali baaritaan ku socda dad laga shakisanyahy,howlagaladan wey socon doonaan’’