Wararka

Cayaaryahan caan ku ah dheexa feerka oo geeriyooday.

Waxaa Isbital kuyaalla Magaalada Chicago ee dalka Maraykanka maalinimadii shalay ku geeriyooday Patrick Day oo ah cayaaryahan dhanka feerka ah .

Patrick Day oo 27 sano jir ah ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray maskaxda xili sabtidii tagtay uu la dheelaayay Charles Conwell.

Patrick ayaa ku guulaystay laba tartamada horyaalka champion-ka ee qaaradda America  sanadihii 2017-kii iyo 2019-kii.

Dhimashada Patrick Day ayaa kusoo aadeyso iyadoo laba maalin ka hor uu sidaan oo kale dhaawac kasoo gaaray maskaxda uu ugu geeriyooday cayaaryahanka dhanka feerka ee Maxim Dadashev oo 28-sano jir ah oo uu dhashay dalka Ruushka iyo waliba 23-sano jirkii reer argintin, Hugo Santillan kaas oo isna sidaan oo kale ugu geriyooday bishii July.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close