Wararka
Caruurtii Khashoggi oo cafis u fidiyay kuwii dilay Aabahood.

Caruurtii uu dhalay Warihii Sacuudiga ahaa ee Jamal Khashoggi ayaa cafis u fidiyay ragii ka danbeeyay dilkii aabahood oo ay dowlada dalkaasi Sacuudiga ku riday xukuma Isugu jiray dil iyo waliba xabsi.
Maanta oo Jimca ah ayuu boggiisa Tweeter ka kusoo daabacay wilka ugu weyna caruurta Jamal Khashoggi oo lagu magacaabo Salah Khashoggi, in ay cafis u fidiyeen dadkii ku lugta lahaa dilka aabahood isagoo sheegay in ay ugu faa’iideysanayaan habeenka Laylit el Qader waxaa uuna sheegay in abaalmarintiisa ay ka sugnaatay Allah.
” Anagoo ah wiilasha Mujaahid Jamal Khashoggi, waxaan ku dhawaaqnay inaan cafinay kuwii dilay Aabaheyn” ayuu Yiri Salah Khashoggi.
Dhamaadkii bishii December ee sanadkii tagay, shan ruux oo ka mid ahaa hay’addaha dowlada Sacuudiga ayaa lagu helay dilkii Khashoggi waxaana lagu xukumay dil toogasha ah halka seddex kale oo iyaguna ku lug lahaa Kiiska dilka ah lagu xukumay xabsi daa’in.
Jamal Khashoggi ayaa lagu dilay gudaha Qunsuuliyada Sacuudigu ku leeyahay caasimada Istanbul ee dalka Turkiga October 2018 isagoo da’aadisu aheed 59 sano jir.