Wararka
Caruurta Yeman oo u dhimanaayo Macluul.

Caruurta ku nool dalka Yeman ayaa waxaa haysato xaalad adag oo dhanka noolasha ah, waxaa ay la dhimanayaan daryeel la’aan baahiyaha aas aasiga aawadood, waxaana Isbitaalada magaalada sanca ee Yeman buux dhaafiyay Ilmo yar oo macluulaysan.
Masirah saqar waxaa ay dhalan tahay seddex bilood, waxaana nafaqada lagu siinayaa siliingo waayo waxaa jirto macluul aad u daran.
Ayeeyada dhashay Masirah saqar ayaa sheegtay in ay gabadhaani yar u baahantahay Caano, cunto iyo daryeel balse aysan haysan. waxaa ay sheegtay in Isbitaalka uu ku caawiyo daawoyinka uu heli karo inta kalena ay tahay in ay jaabkooda ka soo iibsadaan.
“Waxaa ay aheed in la baaro, Waxaa ayna u baahantahay caano, Qado iyo daryeel. Haddii uu Isbitaalku haayay gar gaar daawo way na siiyaan balse marka aysan haysan waxaan ka soo iibsanaay meela kale” ayay tiri ayeeyada Masirah.
Dagaalka dalka yeman ka socda waxaa uu galay sanadkiisi 7-aad walina waa uu socdaa, hay’adda UNICEF waxaa ay shaacisay in malaayiin caruur ah ay haysato nafaya yari iyo macluul iyadoo tabanaan kun oo ruxna ay ku dhinteen dagaalada socda.
Aamin Al-Aizari oo ah dhaqtar ka howlgalla Isbitaalka Al-sabyine ee magaalada Sanca ayaa sheegay in caruur badani ay ku dhintaan guryahooda sababtuna ay tahay qoysaska oo aanan haysan dhaqaale ku filan.
“waxay ku dhintaan guryahooda iyagoonan awoodin in ay yimadaan goobaha caafimaad sababtoo ah dhaqaale xumi aawadeed. lacag ma haystaan caruurtana waxaa ay ka cabanayaan macluul daran. waxaa ay u baahan yihiin Cunta. caruurta Yeman waxaa ay dhintaan saacad kasto iyo daqiiqad kasto” ayuu Yiri Aamin Al-Aizari .
Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumada Iran ayaa kala taageeraayo labada dhinac ee isku haysto Yeman. Qaramada Midoobana waxaa ay sheegtay in Yeman tahay wadankii ugu qalalaasaha xumaa aduunka.