Wararka
Cali Gudlawe oo kulan la qatay madaxweynayaashi hore ee dalka.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo howlo shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.
Kalankaan oo ka dhacay Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Dalka.
Kulankaan ayaa ku soo aadayo xili xaaladda caasimada ay cakirantahay. Waxaa ay musharaxiintaan ka soo horjedaan muddada labada sano ee uu meelmariyay golaha shacabka.