Wararka

Caasimada Moscow oo ay ka bilaabatay talaalka Covid-19.

Ruushka ayaa bilaabaya barnaamijkiisa talaalka ee ‘Covid-19’, iyadoo xarumo caafimaad ee kuyaala caasimada Moscow ay talaalayaan kuwa halista ugu jira viruska.

Tallaalkaan Sputnik V, oo la diiwaangeliyey Ogosto, ayaa Horumariyaashu waxay yiraahdaan waxay waxtar leedahay 95% mana keento waxyeelo weyn, laakiin wali waxay mareysaa baaritaan balaaran.

Kumanaan dad ah ayaa horey isudiiwaan geliyay si ay u helaan talaalka ugu horeeya ee dhammaadka usbuuca, laakiin ma cadda inta ay soo saari karto Ruushka.

Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin, oo isagu ku dhawaaqay barnaamijkan horraantii toddobaadkan, wuxuu sheegay in loo soo bandhigayo dadka ku nool magaalada oo ay ku nool yihiin 13 milyan oo ka shaqeeya iskuullada iyo adeegga caafimaadka, iyo shaqaalaha bulshada.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close