Wararka
Ra’iisare Abiy Ahmed oo boqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.Wuxuuna murugada la qeybsaday ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa amar ku bixiyay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo si loo ogaado waxyaabaha sababay shilka diyaaradeed loona qanciyo ehalada dadkooda ku geeriyooday shilka.
Rakaabka Diyaaradda saarnaa ayaa lagu sheegay iney ka soo kala jeedaan 33-dal,waxaana goobta diyaaradda ay ku bur burtay gaaray kooxo ka socota shirkadda Ethiopian Airlines,kuwaasi oo wada howlo lagu qaadayo meydadka goobta yaala
.