Wararka
Boris Johnson oo laga helay cabuqa Covid-19.

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa xaqiijiyay in laga helay xanuunka Coronaviruska kadib markii laga baaray.
Boris Johnson ayaa sheegay in uu naftiisa isku karantiilay qol ku yaalla dhismaha Downing Street waxaa uuna intaasi ku daray in shaqada uu kasoo qaban doona halkaasi.
Johnson oo 55 sano jir ah ayaa sheegay in maalinimadii khamiista uu iska dareemay calaamaadaha lagu garta caabuqaan Covid-19.
Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska Matt Hancock ayaa sidoo kale sheegay in uu iska helay xanuunka Coronavirus uuna isku karantiilay qol ku yaallo gurigiisa.