Wararka

Boris Johns oo Warbaahinta la hadlay Tan iyo markii Isbitaal loo seexiyay COVID-19.

Ra’iisal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa markii ugu horaysay warbaahinta la hadlay tan iyo markii Isbitaal loo seexiyay xanuunka coronaviruska waxaa uuna shacabka UK kula dar daarmay in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad ee kaga imaanayo wasaaradda caafimaadka UK.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha ay U.K ku doonayso in ay ku qafiifisa bandawga saran isku socodna iyo beecsharada taas oo keentay hoos u dhac dhaqaale.

“ Waxaan xaqiiqsanahay dulqaadkiina, waxaan idinla qaybsanayaa murugada, waxaana ogahay hay’addahayna gaarka ah la’aantoot, dadaalada socda la’aantoot iyo howl-karnimada laamaha caafimaadka dalkaani lagama hadli laheen dhaqaalo” ayuu yiri Boris.

In ka badan 154,000 oo kiisaska coronaviruska  ayaa laga xaqiijiyay dalka U.K  waxaana ugu yaraan u geeriyooday xanuunkaani 20,795 oo ruux sida laga soo xigtay Jaamacada Johns Hopkins University.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close