Wararka
Boqortooyada Sacuudiga ayaa si KMG ah usiidaysay 3 Dumar oo udooda Xuquuqda Aadanaha.
Sacuudiga ayaa si ku meel gaar ah u sii daayay saddex dumar ah oo xuquuqda aadanaha u dooda ku waas oo ku eedaysan dacwado la xiriira u dhaqdhaqaaqidda xuquuqda iyo in ay xiriir la sameeyeen ajaaniib.
Labo ilood ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la sii daayay saddex dumar ah isla markaasna kuwo kale la sii dayn doono Axadda Soo Socota.
Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International iyo Hay’adda kale ee xuquuqda Sacuudiga u dooda ee ALQST oo fadhigeedu yahay UK ayaa magacyada dumarka la siidaayay ku sheegay Eman al-Nafjan, Aziza al-Yousef iyo Roqaya al-Mohareb.
Warbaahinta dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay in aan si rasmi ah loo sii dayn.
Saddexdan dumarka ah ayaa ka mid ah 11 haween ah oo maxkamadayn ku socoto ka dib markii lagu eedeeyay dacwado ay ku mutaysan karaan shan sano oo xabsi ah.
Lynn Maalouf oo ka tirsan hay’adda Amnesty ayaa soo dhawaysay sii daynta balse waxay sheegtay in aan loo baahnayn in sii daynta laga dhigo ku meelgaar.