Wararka
Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay lacag sharci daro dalka kusoo gashay

Lacag Dollar si sharci darro ah ku socotay oo lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta Gacanta ku dhigay lacag aan la shaacin cadadkeeda oo sharci darro ku soo gashay dalka.
Lacagtaan ayaa la socotay diyaarad ka timi dalka Kenya walina lama ogaan cida ay ku socotay.
Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan sida ay Daabacday Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen.Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.
Waxii warar dheeraad ah ee kusoo kordha kalq soco TUSMO TV