Wararka
Booliska oo shaaciyay Qarax ka dhacay Maqaayad lagu magacaabo Luul Yamani.

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ruux nafti halige ah uu goordhaw isku qarxiyay maqaayadda Luul Yemani ee ku taala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir halkaas oo dad shacab ah ay ka cunteynayeen xiligaas.
“Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayadda Luul Yamani ee ku taala Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socodsiindoonaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Gaashaanle Saadaq Aadan.
Taliska Boolisku wali faah faahin kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa cadawgu ku beegsaday maqaayadda dib ayaan idinkaga soo gudbi doonaa faah-faahinta insha allaah.