Wararka
Booliska degmada Howlwadaag oo ka hortagay isku-day dil.
Magaalada Mugdisho ee caasimada dalka Soomaaliy waxaa Maanta ka dhacay Israsaaseyn dhexmartay Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag iyo kooxa hubysan sida ay sheegtay Taliye Ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakiye Xusseen.
Gen. Zakiye Xusseen ayaa sheegtay in kooxa hubsayn oo gaaraayay ilaa afar ruux oo mid kamid ah ay aheyd haweeney lagu dilay israsaaseenta dhexmartay iyaga iyo ciidanka Booliska degmada Howlwadaag waxaa ayna intaa ku dartay in kooxdaan ay dooniyeen in ay dil u gaystaan Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Abdi Gare.
Taliye Ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakiye Xusseen oo war-qoraal ah ku daabacday barteeda Twitter-ka ayaa tiri sida tan ”Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasarada Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey ciidamada toogteen dhagarqabayaasha oo ahaa 3 wiilal iyo hal haweeney oo hubka u siday”