Wararka
Biyo xireenka cusub ee uu waddo maamulka G. Banadir wax maka badali doonaa dhibatada waddoyinka ka tagan?

Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho oo uu Wehliye Kuxigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cabdi ayaa isla xisaabtan ugu tageen Injineerada dhisaya biyo qabad-weyn oo laga hergilanayo dhabarka danbe Dugsiga 21 octobar ee Degmada Waaberi si ay halkaasi ugu soo dhacaan Biyaha ka yimaada wadooyinka qaar ee Degmooyinka, Howlwadaag, Hodan iyo Waaberi.
Sidoo kale Guddoomiyaha waxa uu soo booqday wadooyinka qaar ee saameynta ku yeeshay Roobabkii ka da’ay Caasimada, asigoona kula xisaabtamay Injineerada horey u dhisay wadooyinkaasi bur-burka hada soo gaaray, farayna in xal deg-deg ah loo helo biyo roobaadka fadhiista wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa balan-qaaday in maalmaha soo socda marka la dhameeyo biyo-qabadkaan uu culeeska ka dagi doono Magaalada, asigoona sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay isku tashi iyo in xal loo helo Caasimada Muqdisho.