Wararka

Beijing oo caabuqa coronavirus uu ku soo laba kaclayay.

36  kiisas cusub ayaa laga  diiwaangeliyay gudaha caaasimada Beinjing sabtidii lasoo dhaafay.  Magaaladaasi oo aan horay kiisas cusub looga arag in kabadan 50 maalmood gudahooda.

Warbaahinada maxaliga ee dalkaasi ayaa sheegay in xaaladahaani cusub ay sababtay kadib markii kaluun laga soo dhoofiyay suuqa Xinfadi ee magaalada Beinjing u faafiyay viruska coronaha.

Suuqaan oo ah suuqa jumlada ee ugu weyn gudaha qaarada Aasiya ayaa waxaa ka adeegta dad aad u tiro badan, waxaana laga yabaa in ay xaalada intaasi ka sii badata.

Sida uu baahiyay Telefashinka dowlada Shiinaha ee CGTN, waxaa Bandaw iyo xayiraadba lagaliyay suuqaa Xinfadi iyo xaafadaha ku dhaw si loo yareeyo kiisaska cusub ee uu soo ridan karo xanuunkaani COVID-19-ka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close