Wararka
Beesha caalamka oo madaxda dalka ugu baaqday in ay heshiis ka garaan arrimaha Tagan.

Beesha caalamka ayaa ka hadashay kulanka Maalinimada bari lagu wado in lagu qabto caasimada dalka ee Muqdisho kaas oo u dhaxeen doona dowlada federaalka, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe iyo maamulka Gobolka Banaadir.
“Ma aragno wax lagu beddeli karo oo lagu hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17ka Sebtember ee jadwalka degdegga ah ee lagu qabanayo doorashooyin nabdoon, loo dhan yahay, xor ah, caddaalad ah, oo lagu kalsoonaan karo ah. Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi socod doorasho oo isbarbar socda ama dadaal kasta oo horseedaya Muddo Kordhin”. ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.
Madaxda Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay ka faa’ideystaan fursadaha hadda tagan si dalka uu u aado doorasha iyo inay sameeyaan tanaasulaadka lagama maarmaanka u ah danta qaranka Soomaaliyeed iyo dadkiisaba.