Wararka
Beesha caalamka ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay wadahadaladii 1-dii Maarso.

Beesha caalamka ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay wadahadaladii 1-dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.
Sidoo kale Saaxiibada Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha ka codsaday in ay ku tallaabsadaan horumar hor leh.
Beesha calamka ayaa madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe ku boorisay in ay “Qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe”
Sidoo kale War-qoraal ah oo la soo dhigay barta Twitter ka ee Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Wakhtiga waa uu ordayaa. Waxaan ku boorinaynaa Madaxda dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka dowlada dhexe in ay hadda kulmaan. Sameeyo waxa u wanagsan Shacabka Soomaaliyeed, Gaba’gabeeyo arrimaha doorashada”
Wararkaan ayaa ku soo aadayo xili xalay war-saxaafad ka soo baxay Xafiiska madaxtooyada Soomaaliya lagu wargaliyay madaxda Maamul goboleedyada in ay yimadan xamar 4-ta bishaan Maarso si loo dhamaystiro Heshiiskii 17-ka september iyo soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo.