Wararka
Beelaha daga Degmooyinka Dhahar iyo Qardho oo gaaray heshiis nabadeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta Magaalada Qardho ku soo gaba-gabeysay shirka dib-u-heshiisiin ah oo mudo 2 todobaad ah u socday Beelaha daga Degmooyinka Dhahar iyo Qardho.
Xiritaan shirka dib uhishiisiinta Beelaha Gobalada Haylaan iyo Karkaar waxaa ka qeyb galay Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowlad goboleedka Puntland agaasimaha Guud ee wasaaradda, Wasiirka Tamarta machadnta iyo biyaha Wasiirka xanaanada Xoolaha DPL, xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, Culumo iyo isimo iyo Maamulka Degmada Qardho, Gudoomiyaasha Goblada Karkaar iyo haylaan, Waxgaradka laba beelood iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Degmada Qardho ee Gobolka Karkaar.
Shirkaan ayaa gaba-gabadiisa waxaa kasoo baxay qodobadaan hoos ku qoran:
1: Labada Beelood waxay si rasmi ah uga heshiiyeen dhamaan wixii khilaaf ah ee u dhaxeeyay.
2: Labada Beelood waxay ka heshiiyeen dhamaan intii ku dhimatay kuna dhaawactay colaadaas jirtay mudada 30ka sano.
3: Labada dhinac waxay bixiyeen duugta cidkasta wixii gacanteeda ku dhimatay.
4: Labada Beelood waxay isu celiyeen dhamaan wixii lagu kala furtay dagaaladii dhex-maray, Sidoo kale waxaa la qiimeeyay khasaarihii ka dhashay hantidii ay wax gaartay.
5: Labada Beelood waxay si hoose isaga tuhun-saareen shakiyadda la xiriiray dhimashooyinkii kale ee dhacay, iyadoo cidkasta ay ka dhaaratay.
6: Labada Beelood waxay ku heshiiyeen in Hawsha dhiman lagu dhamaystiro mudo sanad ah.
7: Labada Beelood waxay si wada-jir ah ugu mahad-celiyeen cidkasta oo nabadaytaan ka qayb-qaadatay. Isimo, Dawlada iyo cidkasta.
8: Labada Beelood waxay maanta u aqoon-sadeen maalin taariikhi ah, waxaana layska cafiyay waxkasta oo jiray.