Wararka

Beela dhawaan ku dagaalamay Bariga Gobolka Mudug oo heshiis nabadeed gaaray.

Iyadoo dhawaan dagaal beleed ka dhacay Bariga Gobolka Mudug ayaa haatan waxaa lagu guulaystay in beelahaasi walaalaha ah la kala dhexdhigo heshiis wada noolaasha iyo nabad ah.

Beelahaan ayaa gaaray heshiiskaan oo lagu soo Af-jarayo colaaddi halkaasi kasoo cusboonaatay dhowaan waxaana laga soo saaray qodobbo saldhig u ah deris wanaagga Labada Beelood waxaana goob-joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21-aad.

Odayaasha iyo wax-garadka Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Shan qodob oo u qoranaa sidaan:

1: In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah.

2: In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnoo.

3: In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah.

4: In Qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho

5: In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto?

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaanadaas ayaa kor meeray Dhamaan Meelihii laga kala qaaday Ciidanka Beelaha dagaalamay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close