Ciyaaraha
Bayern Munich oo lacago sare ku soo qadaneeyso xidig ka tirsan Man city.
Kooxda Bayern Munich ayaa ka fiirsanaysa in ay baanka u jabiso waliba hal mar la soo wada saxiixato xidigaha garbaha weerarka ka ciyaara ee Leroy Sane iyo Ousmane Dembele inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan wargayska Sports Bild ayaa sheegaya in kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga ayna doonayn in laga tago sidaas darted ay suuqa u galayso si xoogan si ay u keento xidigo cusub.
Kadib markii ay kooxda ka tageen xidigaha Franck Ribery & Arjen Robben tababaraha kooxda ee Niko Kovac ayaa raadinaya in uu xoojiyo weerarka kooxdiisa waxana uu xidigaha Sane iyo Dembele u arkaa labada xidig ee buuxin kara booska Franck iyo Arjen Robben Sane ayaa lala xiriirinayaa ku laabashada Germany tan ilaa 2018/2019 isaga oo si aad ah u doonaya in uu isaga tago City si uu si joogto ah ugu ciyaaro koox cusub oo ka heli karo boos rasmi ah.
Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso lacag dhan 100 milyan oo Euro si ay u hesho saxiixa xidigii hore ee kooxda schalke kaas oo 2sano uga hadhsan yahay heshiiskiisa Man City dhanka kale Bayrn Munich ayaa haatan aaminsan in ay Ousmane Dembele si dhib yar ku heli doonto kadib markii ay Barcelona la soo saxiixatay Antoine Griezman sidoo kale wali ku raad joogto xidiga Neymar Dembele ayaa 3-sano ka hor ku biiray kooxda Barcelona waxana ay doonayaan in ay iska iibiyaan si ay lacag ugu helaan soo laabashada Neymar xagaagan.