Wararka
Bangiga aduunka oo Soomaaliya ugu deeqay $40 Milyan.
Bangiga aduunka ayaa dowlada Soomaaliya ugu deeqay $40 Million oo dollar ka Maraykanka taas oo lagula tacaalaayo dhibaatada Ayaxa uu ku haayo deeganada Soomaalida.
Warbixinta ka soo baxday Bangiga aduunka ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 2.6 Million oo ruux oo ku nool 43 degmo oo Soomaaliya ah in ay noolal maalmeedkooda saamaysay Ayaxa iyo Abaaraha daba dheeraaday.
Sidoo kale Bandiga aduunka ayaa laga soo xigtay in tan iyo 1960-kii ay dalka ka dhaceen 14 abaarood taas oo micnaheedu tahay in afartii sanaba sanad uu abaar ahaa.
Wasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Ducaale Bayle oo ka hadlay Arrinkaan ayaa sheegay in ay tahay Aqbaar wanagsan oo soo yeertay ayna kusoo aaday xili loo baahnaa.
“Waa Akhbaar kale oo farxad leh, World Bank ayaa anisixayay lacag dhan $40-Milyan oo wax looga qaban doono dhibaatooyinka #Anyaxa uu ku hayo deegaankeena”. Ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray Wasiirka maaliyada.