Wararka

Bangiga aduunka oo go’aamiyay habka ay deynta ugu cafinayaan dalka.

Agaasimayaasha Golaha Bangiga aduunka (The World Bank Group Board of Executive Directors ), oo kulan ku yeeshay Magaalada WASHINGTON, ayaa go’aan ka gaaray habkii ay deynta ugu cafin lahaayeen dowlada federaalka Soomaaliya.

Tani ayaa fursad balaaran u noqon doonta dowlada Soomaaliya in dalka lagu sameeyo maalgashiyo kala duwan oo qayb lixaad leh ka qaato kobaca dhaqaale iyo shaqa abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed oo 75% lagu qayaaso.

“Go’aanka maanta waxaa uu waddada u xaarayaa wada-shaqayn dhamaystiran taas oo Bangiga aduunka u sahlayso in uu si buuxda u taageero dadaalada dib u kabashada dhaqaalaha” ayuu Yiri agaasimaha Howlgallada Bangiga aduunka, Axel van Trotsenburg.

Sidoo kale Guddiga sare ee maamulka Bangiga Horumarinta Afrika ayaa iyana shalay goaamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee hay’adda lacagta aduunka (IMF), Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in hay’adda IMF heshay lacag ku filan oo lagu bixin karo deynta Soomaalia lagu leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo go’aankaas ka hadlay ayaa sheegay in uu yahay go’aan taariikhi ah, oo Soomaaliya u furaayo wadda cusub oo horumar ah.

“Go’aan kaan taariikhiga ah waxa uu Soomaaliya u furayaa albaab cusub oo horumar ah, oo ay ka midtahay Soomaaliya in loola macaamilo sida dalalka kale ee Qaaradda Afrika.Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Boqol dal kabadan ayaa balan qaad u sameeyay dowlada Soomaaliya oo sheegay in ay diyaar u yihiin ka qeyb galka bixinta Deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close