Wararka
Bandaw laga dareemaayo Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee casimada ayaa maanta laga dareemaya xaalad bandow ah taasi oo la sheegay in looga hortagayo faafida xanuunka caroina viruska in kastoo horaan aysan udhaacin dowlada fadaralka soomaliya.
Qaar ka mid ah wadooyinka magalada muqdisho waxana lagu arkaya ciidamo boolis ah oo gaaf wereegaya wadooyinka Halbowlaha magalada muqdisho kuwaas Oo amar ku siinaya Goobaha Ganacsiga, Hotelada Iyo Goobaha ay Bulshadu isugu imaato in la xiro.
Sidoo kale Ciidamadda Booliska soomaliya ayaa kala eryaya Bulshada isugu yimaada Goobaha Laga shaaho iyagoo amraya iney guryahooda aadaan waxana jirta in qaar ka mid ah masajidada magalada muqdisho aan lagu tukan salaada jimcaha waxana dadkii Masjidyadaasi salaada u aadey soo kala cayriyey Ciidamo Boolis ah.
Arintan aya ka dhigan In Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka ay gashey Xaalad Bandow ah Oo looga hortagayo Faafitaanka Cudurka Coronavires ka dib markii wasarada caafimaadka xukuumada fadaralka soomaliya ay horaan sheecisay in qof ka mid ah shacabka ku dhaqan gudaha magalada muqdisho uu ugeeryooday xanuunka carona viruska halka kuwo kalena uu soo ritay cudurka.