Wararka
Baarlamaanka Ciraaq oo meel mariyay sharci ciidamada shisheeye ee kusugan Ciraq kaga baxan dalksi.

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa maanta meel mariyay qaraar dhigaayo in dalkaasi ay ka baxaan dhamaanka ciidamada shisheeye ee kusugan.
Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa go’aankaan horgeeyay Baarlamaanka dalka Ciraaq waxaa uuna sheegay in ay tahay xalka kaliya ee lagu dajin jaro khilaafka ka dhextaagan quwadaha waaweyn ee iska soo hor jeeda ee isku hartinaayo dalkaasi Ciraaq.
Baarlamaanka ayaa qaraarka ay maanta ansixiyeen ku sheegay in cidna aysan si qaldan u isticmaali karin dhulkeeda, hawada cirka ee ciraaq iyo biyaha dalka Ciraaq.
Arrinkaan ayaa kusoo aadaayo kadib markii dowlada Maraykanka ay gantaal ku dishay Janaraal militiri ah oo katirsan ciidamada Iiran ka jooga dalka Ciraaq oo lagu magacaabo Qassem Soleimani taas oo geeridiis ay sare u sii qaaday xiisadii siyaasada ee ka dhex taagneed dalalka Iiran iyo Maraykanka.