Wararka
Axmed Madoobe”Madoonayno Xarqaan Baan tagayaa, Dharkaan baan tolanayaa, sidaan hala’igu tolo”

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Kismaayo ee Caasimada ku meel gaarka ah ee Jubbaland, kadib safar shaqo oo uu todobaayadii ugu danbeeyey ugu maqnaa dalka dibadiisa.
Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadley aqalka Madaxtooyada ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii xaley ku geeriyooday qarax Ismiidaan ah oo ka dhacay Muqdisho iyo AHU Marxuum Cabduullaahi Shigshigow oo kamid ahaa ganacsatada Jubbaland kaas oo ay maalmo ka hor kuuxa hubaysan ay ku dileen Kismayo.
Tacsida kadib ayuu Madaxweynuhu so qoto dheer uga hadley Xaalada Siyaadadeed ee Dalka, Xaalada gobolka Gedo iyo Cabashada Musharaxiinta Madaxtinimada dalka.
Dadka maanta ay masuuliyadda saarantahay ee madaxweynaha dowlada federaalka Waxaa looga baahan yahay in ay kala saaraan Habraaca Doorashada, Nooca Doorashada, Sida ay u dhacayso iyo Ololahooda Doorashada waa in ay kala saran. Madoonayno Xarqaan Baan tagayaa Dharkaan baan tolanayaa sidaan hala’igu tolo, Maya. Madhacayso Taas” ayuu yiri.