Wararka
AUN Marxuum Cumar Cabdulle shooli oo lagu aasay Muqdisho.

Allah u naxariistee Marxuum Cumar Cabdulle shooli oo ahaa Abwaan fanaan Qaran oo katirsanaa Gobolada Waabari ayaa xalay ku geeriyooday Caasimada Muqdisho oo maanta lagu aasay.
Aaaska Marxuum ka ayaa waxaa kasoo qayb galay Qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka, maamulka Gobolka Banadir iyo Fanaaniinta Qaranka waxaa ayna dhamaan ka tacsiyayeen geeridaas xanuunka leh ee ku timid Fanaanka.
Xildhibaan Prof.Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay tacsida AUN marxuum Cumar shoolli ayaa sheegay in uu ahaa fanaan Qaran kaas oo loogu magac daray Madaalaha Hobolada Wabari waxaa uuna intaasi ku daray in Fanaaniinta Soomaaliyeed ay dowlada ka saarantahay Garab Istaag haddii ay Nool yihiin ama ay dhinteenba.
Guddoomiya ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle oo ka tacsiyadeeyey geerida AUN Marxuum Cumar Cabdulle shooli ayaa Ebba ugu baryay in uu Jannada ka waraabiyo.