Wararka
Askari Soomaali maraykan ah oo dil gaystay oo laxukumay.
Maxamed Nuur oo hore uga tirsanaan jiray Booliiska magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa maxkamad ku taalla degmada Hennepin ee gobolka Minnesota waxay ku xukuntay 12 sano iyo 6 bilood oo xarig ah.
Mr Nuur ayaa bishii April ee sannadkan lagu helay in uu sannadkii 2017-kii dil u geeystay haweeynay magaceeda layirahdo Justine Ruszczyk Damond asal ahaan ka soo jeeda waddanka Australiax xilli ay Booliiska magaalada Minneapolis ugu wacatay fal-dambiyeed ay sheegtay in uu ka socday aga’gaarka gurigeeda.
Dibad bax ballaran oo lagu taageerayey Maxamed Nuur ayaa lagu qabtay afaafka hore ee guriga looga arrimayo dowladda Hoose ee magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee daggan Gobolka Minnesota ayaa aad ugu carooday xukuna lagu fuliyay ninkaan Soomaali maraykanka ah waxaa ayna sheegeen in xukunka lagu fuliyay Maxamed Nuur uu yahay mid cadaalad darro ah waxaa ayna dalbadeen in loo cadaalad fallo Maxamed Nuur.
Aabaha dhallay Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyey Jaaliyadda Soomalaiyeed ee ka soo qayb-gallay dibad baxa, isaga oo sheegay in ay dalbanayaan in uu wiilkiisu helo xukun Cadaalad dhamaystiran.