Wararka
Askari katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo horey udilay dad shacab ah oo maanta la hor geeyey Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ufiriisatay Dhageysiga kiis dacwadeedka Askari dil uu gaystay Sababay banaan baxyo billowgii bisha Ramadan, dilkaasi oo ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.
Xasan Aadan Xasan, oo ah askari katirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si arxan daro ah bilowgii bishii Ramadaan Gurigooda uga dilay Marxuumiinta kala ah’ xasan cali cadaawe iyo madiino cabdulaahi cabdi oo xeligaasi ku jirtay umul.
Gacan ku dhiigle Xasan Aadan Xasan, oo ay maxkamada weydiisay qaabka uu dilka ugeystay ayaa ku candacooday in Marxuum Xasan Cali Cadaawe, uu Qoriga la qabsaday taasi oo sababtay in xabbad ka baxday qorigiisa ay disho marxuumiinta, Balse baaraha kiiskan uqaabilsanaa CID,Ayaa sheegay in dilkaasi uu ahaa dil bareer ah.
Difaacyaashii eedeysanaha ayaa maxakamada Ciidamada Qalabka sida ee soomaaliya ka dalbaday in eedeysanaha lagu xukumo bixinta magta iyadoo lasaarayo ciidanka Booliska Soomaaliyed Maadaama uu fulinayey amar kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Jenaraal Cabdulaahi Buule Kamey, Xeer ilaaliyaha Guud ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maxkamada ka dalbaday in eedeysanaha lagu xukumo Dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumiintii uu sida sharci darada ah uu gacantiisa uga dilay.
Uga dambeyn Godoomiyaha maxakamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga maxkamada isagoo sheegay in maxkamada ay Go’aan kasoo saari doonto kiiska.