Wararka
Askari horey u dilay wade mooto Bajaaj ayaa Maanta Maxkamada ku xukuntay dil
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun dil ah ku riday Eedeysane Cali Maxamuud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska, kaasoo 8-dii bishan May magaalada Muqdisho ku dilay darawal Mooto Bajaaj ah.
Askariga la xukumay ayaa dilay Marxuum C/risaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mooto Bajaajta, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ahaa.
Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.