Wararka

ASKAR KATIRSAN CIIDANKA XOGGA DALKA OO KU DHINTAY QARAX MINO.

wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shababeelada Hoose ayaa ku soo waramaya in 3 askari oo ka tirsan ciidanka xooga dalka ay ku dhinteen Qarax miino.

Askarta dhimatay ayaa dad goob joogiyaal ah waxaa ay inoo sheegeen in ay saaranaayeen mooto Feekoon isla markaana ay ka soo baxeen Deegaanka Bariire ee gobolka Sh.Hoose ayna ku soo jeedeen magaalada Muqdisho,Balse inta u dhaxeysa Bariire iyo deegaanka lambar 50 ay miino kula kacday halkaasina ay ku geeriyoodeen askartii saaraneyd mootada uu Qarax Qabsaday.

ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka ayaa qarax kadib soo gaaray goobta uu qarax ka dhacay waxaana halkaasi ka soo qaadeen meydadka askartii halkaasi ku geeriyootay iyagoo soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close