Wararka
Askar ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM oo muqdisho isku dilay.
Kabtan katirsanaa ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee dalka Uganda ayaa isku diley magaalada Muqdisho kadib markii uu dilay askari kale oo saaxibkiis ah.
Afhayeenka wasaaradda difaaca dalka Uganda oo layirahda Brigadier Richard Karemire ayaa xaqiijiyay dilka askartaan balse waxaa uu ka gaabsaday in uu bixiyo faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan dilka askartaan.
Dhacdadaan ayaa imaanayso bil kadib markii ay askar badan oo ka tirsan ciidanka nabad sugidda AMISOM ay is toogteen balse faafaahinada dilalkaas ayaa ayagana aan la soo shaacin.