Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo ka Qeyb Galay Shir Muhiim ah.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad Oo Ka qeyb galay Shirka taageerrada Midowga Afrika ee hab siyaasadeedka Qaramada Midoobey ee Muran goboleedka Saxaraha ayaa Sheegay muhiimadda ay leedahay in la dhowro midnimada iyo isku xidhanka Qaaradda Afrika si looga fogaado dhaq dhaqaaqyada gooni isku taagga ee isku dayaya inay abuuraan kala qeybsanaan dhibaato ku ah midnimada qaran ee dalal kala duwan.
Wasiirka oo hadal ka jeedinayay shirka heerka wasiir Afrikaan ee taageerrada Midowga Afrika ee hab siyaasadeedka Qaramada Midoobey ee Muran goboleedka Saxaraha oo ku qabsoomay Magaalada Marrakesh ee dalka Morocco, ayaa sheegay in Midowga Afrika uu leeyahay sharciyo iyo siyaasad joogto ah oo ku suntan muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo bedqabka dowladaha iyo dhowridda awoodda dadyowga qaaradda.
Intii lagu guda jiray shirka, Danjire Axmed Cawad waxaa uu kulamo docoleed la yeeshay dhiggagiisa, Wasiirrada iyo wakiillo diblomaasiyadeed ka socday dhowr dal oo Afrikaan ah.