Wararka

Arbaco, November 20, 2019:Wasiiru dowlaha waxabarashada dalka oo daahfuray bandhiga Fursadaha Deeqaha Waxbarasho ee ay bixiyaan midowga Yurub.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda waxabarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare Ee Xukuumadda Federaalka Somaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri Ayaa maanta Magalaada Muqdisho ka fururay bandhiga Fursadaha Deeqaha Waxbarasho ee ay bixiyaan midowga Yurub,ee (ERASMUS )waxana lagu soo bandhigay Habka ugu fudud ay ardayda Soomaliyeed ay ugu faaideysan karaan.

Furitaanka bandhiga Fursadaha Deeqaha Waxbarasho ee ay bixiyaan Midowga Yurub,ee(ERASMUS)waxaa Goob Joog ka ahaa wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicoles Berlanga Martinez,qaar kamid ah Gudoomiye yaasha jaamacadda dalka, arday, xubno ka socday wasaaradaha Dowlada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdi raxmaan maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in barnaamijkaan uu yahay mid ay u baahnaayeen ardayda Soomaaliyeed.

“Waxaan maanta ka furay magaalada muqdisho Bandhiga Fursadaha Deeqaha Waxbarasho ee ay bixiyaan midowga Yurub,ee (ERASMUS)waxana lagu soo bandhigay inta uu socday Habka ugu fudud ee ardayda Soomaliyeed ugu faaideysan karaan. waxaa igu wehliyay Furitaanka Bandhiga wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicoles Berlanga Martinez” ayuu yiri Wasiiru dowlaha waxabarashada.

Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: one or more people and people sittingImage may contain: 10 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close