Wararka
(AQRISO): War-murtiyeed laga soo saaray kullankii maanta ay yeesheen Golaha Xukuumadda Puntland.
Maanta oo khamiis ah waxaa magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland lagu qabtay shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana koob jog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
Shirka maanta ay yeesheen Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland waxaa looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Arrimaha Xajka iyo Warbixino Kale iyadoo ugu danbeyn laga soo saaray war-murtiyeed.
Haddaba hoos ka aqriso waxii ka soo baxay kullankii Golaha Xukuumadda Puntland: