Wararka

Antonio Gutters oo cambaareeyay weerarkii ka dhacay xafiiska Injineer Yariisoow.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Gutters ayaa cambaareeyay weerarkii ka dhacay gudaha xafiiska Duqa caasimada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen masuuliyiin ay ka mid yihiin laba Guddoomiye iyo seddex Aggaasime-yaal sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banadir.

Antonio Gutters waxaa uu tacsi u diray eheladii, qarabadii, iyo saaxibadii masuuliyiintii ku dhimatay weerarkaas waxaa uuna caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka dhaawaca uu ka soo gaaray qaraxaas.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in Qaramada midoobe ay sii joogteen doonta taageerideeda Amaanka iyo kaalmada Baani’aadinimo ee ay ka fuliso Soomaaliya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close