Wararka
António Guterres oo magacaabay ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya.
Adam Abdelmoula ayaa baddali doona kusimihii hore ee ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada..
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe António Guterres ayaa magacaabay ku-xigeenka wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya waxaa uuna magacaabay Adam Abdelmoula oo kasoo jeeda dalka Sudan.
Adam Abdelmoula ayaa baddali doona kusimihii hore ee ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsanaa Soomaaliya George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada kaas oo soo shaqeynaayay ilaa Bishii April ee 2019.
Abdelmoula ayaa 30 sano oo qibrad ah u leh arrimaha Sharciga iyo xaquuda aadanaha waxa uuna kasoo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Kuwait iyo Siiriya intii u dhaxaysay 2010 illaa 2013-kii.
Sidoo kale kasoo shaqeeyay Bariga dhexe, Liberia Ciraaq iyo soomaaliya isagoo ku taqasuusay sharciga Guud iyo Kan Islaamka waxaa shahaadooyinkaas ka haystaa Jaamacada Khartoum si lamid ah waxaa uu haystaa shahaadada PhD-da oo uu ku taqasuusay sharciga caalamiga kana wataa Jamacada Harvard Law School.