Wararka

António Guterres oo booqday dalka Mozambique.

Xoghayaha Guud ee Qaramada António Guterres oo ku sugan dalka Mozambique ayaa kormeer ku tagay Iskool ay wax ku baranaeyeen caruur. Iskoolkaas ayaa aha mid aan laheen jiingad ka celisa caruurta Cadceeda kadib markii dalkaasi ay ku habsatay duufaanta Idai.

Xoghaya ayaa sheegay in qalbigiisa ay aad u xanuunjinayso in uu arko caruur tacliin ku qaadanayso fasallo aan laheen jiingad ka difaacda roobka iyo cadceeda waxaa uuna intaasi ku darayay in xaaladda dalka Mozambique ay wali tahay mid aad daran.

António Guterres ayaa sidoo kale bulshada caalamka ugu baaqay in ay sii wadan taageeridooda dalka Mozambique iyo in ay gacan ka gaystaan gargaaridda iyo caawinaadda dadka ku waxyeelaabay duufaanadaas.

Duufaanta Idai ayaa saameysay dalalka Mozambique Malawi, Zimbabwe iyo Madagascar, waxaana dadka ku dhintay lagu sheegay 1,297 ruux. 602 ruux oo dadkaas kamida ayaa waxaa lagu sheegay in ay kasoo jeedaan Mozambique halka 634 ruux ay kasoo jeedaan Zimbabwe sidoo kale dalka Malawi ayaa asgana waxaa lagu sheegay dadka ugu dhintay duufaantaas ay gaariyaan 60 ruux halka hal ruux uu ugu dhintay Madagascar.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close