Wararka
Ammaanka Magaalada Dhuusa-mareeb oo aad loo adkeeyay iyo Boolis kasocda dowlada oo laga dajiyay Galmudug.
Waxaa Maanta Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug laga dajiyay ciidama ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sida la sheegay ciidamadaan katirsan Booliska Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Dhuusa-mareeb u tagay sidii ay ugu qayb qaadan lahayeen adkeynta ammaanka magaaladaasi oo martigelinaysa shirka dib uheshiisiinta Galmudug.
Goobaha ay sida gaarka ah ciidamadaan ay ammaankooda u sugi doonta waxaa kamid ah; xarunta lagu qabanayo shirka iyo garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb waxaana aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada.